Dil qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Dabley hubeysan ayaa goor dhow dil ugu geysatay Magaalada Muqdisho askari ka tirsan ciidanka booliska Somalia.

Askariga la dilay ayaa ku sugnaa maqaahi shaaha laga cabo oo ku taalla nawaaxiga isgoyska Sanca dhinaca degmada Yaaqshiid sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Goob joogayaal ku waramay in askariga la dilay uu markiiba ku qurbaxay goobta lagu soo weeraray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah ragga dilka geystay uu baxsaday isagoo dhaawac qaba ka dib markii ay rasaas ku fureen ciidamada amaanka oo goobta ka dhowaa.

Dilalka qorsheysan ee loo geysto askarta iyo dadka kale ee la shaqeeya dowlada ayaa qeyb ka ah nolol maalmeedka shacabka Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -